|
Adis Abba,(insidesomalia.org)-Midowga Africa ayaa sheegay maalintii Arbacada in uusan awood ulahayn in uu nabad ku soo dabaalo soomaaliya sidaas daraadeedna uu ku boorinayo qaramda midowbe in ay kala wareegto howlaha amaanka soomaaliya.
Madaxa Amaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Ramtane Lamamra ayaa u sheegay golaha amaanka inkastoo ay u nafhureen sidii ay nabad gelyo ugu soo dabaali lahaayeen soomaaliya haddana aysan awood u yeelan Karin in ay fuliyaan howlaha loo xil saaray sabata ayuu ku sheegay in aysan u dhigmin waxa kataagan soomaaliya.
Ramtane waxa uu intaas ku daray in midowga Africa uu dadaal ugalay sidii ugu qancin lahaa dalalka kujira midowga Africa in ay ka qeyb qaataan dadaalka loogu jiro sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka soomaaliya ayna ku biiriyaan ciidamo kasocda dalalkooda ciidanka Amisom ee jooga soomaaliya.
Inkastoo uu midwowga Africa uu balan qaaday in uu soomaaliya u diro 8-kun oo askari ayaa hada waxaa Soomaaliya ku sugan ilaa 2,600 oo askari, kuwaas oo ka socda Brundi iyo Uganda oo ah kuwa kaliya ee ka socda Midowga Afrika oo haatan ku sugan magaalada Mogadisho.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya Cali Axmed Jaamac ( Jangeli ) ayaa u sheegay golaha amaanka xilli uu maalintii shaley kalahaa fadhi xaaladda soomaaliya , wuxuuna kacodsaday golaha amaanka ciidan ka socda qaramada midowbe kuwaas oo ay maalgelinayso qaramada midowbe.
Sidoo kale Axmedu Walad Cabdella oo ah ergeyga gaarka ah ee soomaaliya ayaa ku baaqay in qaramada midowbe ay u soo dirto ciidan awood u leh in ay nabad ku soo dabaalaaan dalka soomaaliya, balse aysan noqonayn kuwa nabadda oo dhan ka keenaya soomaaliya.
Xilli ay isku waafaqsan yihiin dhamaan 15 xubnood ee golaha amaanka in xaaladda soomaaliya ay tahay mid khatar ah laakiin waxa ay ka gaab sanayaan in ay ciidamo geeyeen dalka soomaaliya , halkaas oo ay ka socdaan dagaalo ay isag hor imanayaan kooxaha Alshabaab oo dhan ah iyo dowlada FKG iyo dowladda Ethiopia oo dhanka kala ah.
|